U bood dhigaalka

Muuse Biixi Oo Puntland Ka Dalbaday Maxaabiis Is Dhaafsi

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa ku dhowaaqay iney diyaar u yihiin siideynta maxaabiistii ay ka qabteen ciidanka Puntland, kadib dagaalladii ka dhacay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Wuxuu sheegay in ay doonayaan ka shaqeynta nabadda iyo walaalnimada ayna dhanka Puntland ka codsanayaan iney siidaayaan maxaabiista ay iyana ka hayaan Somaliland.

Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in arrintan ay ka shaqeyn doonto Laanqeyrta cas, loona baahan yahay madaxda Puntland in tallaabadan nabadda ah ay dhankooda ka qaadaan.

“Waxaan idiin wadnaa nabad iyo walaalnimo iyo inaan xasilooni ku wada noolaanno, waxaan rajeeneynaa in khilaaf dambe aanay dhaxdeenna ka dhicin..waxaan diyaar u nahay oo nabadda aan ka bilaabeynaa inaan siideyno maxaabiistii aan ku xirnay Tukaraq oo aan halkaan ku hayno, iyana ay soo wareejiyaan wixii ay inaga hayaan, annaga xaggeena waa naga diyaar idinkana taas ayaan idin ka codsaneynaa, taasi waa baaq aan u dirayo madaxda Puntland” ayuu yiri madaxweynaha Somaliland.

Somaliland iyo Puntland oo aan weli heshiis ahayn ayaa maxaabiis ku kala qabsaday dagaalladii ka dhacay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Goobjoog News