U bood dhigaalka

Muuse Biixi Oo Shacabka Somaliland Ugu Hambalyeeyey Munaasibadda Ciida Carafo

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa  shacabka  Somaliland iyo guud ahaanba ummadda Islaamka ku hambalyeeyey munaasibadda Ciidal-Adxaha ee sannadka Hijriyada Islaamka ee 1441-ka Waxana uu u rajeeyey inay sannadkan,sannadkiisa ku gaadhaan Barwaaqo iyo nabadqab.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi  waxa uu ummadda Muslimiinta ah ku hambalyeeyey munaasibadda Ciidal Adxada, isagoo xusay inuu sannadkani ku tilmaaman yahay mid aanay muslimiinta dunidu xanuunka Covid-19  dartii u gudan Karin waajibaadka Xajka, waxana uu yidhi,  “Maanta waxan hambalyo iyo boogaadin u dirayaa ummadda Islaamka ah oo dhan, gaar ahaan umadda Somaliland, sannadkanina waxa uu ka duwan yahay sannadihii hore ee Xajka, waxana uu noqday taariikhda inta la ogyahay, waxana uu yahay sannadkii xajka loo tegi waayey cudurka dunida Aafeeyey ee Covid-19, Ilaahayna ha inaga badbaadiyo.”

Halkan Ka Daawo Fariinta Madaxweyne Biixi Ee Maalinta Ciida

Goobjoog News