U bood dhigaalka

Muuse Biixi “Soomaaliya Iyo Somaliland Midna Maanta Dagaal Diyaar Uma aha”

Sheeko:Dalka

Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maanta shir jaraa’id ku qabtey aqalka madaxtooyada Somaliland ee Hargeysa ayaa waxa uu ka hadley arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin nabad-gelyada, dhaqaalaha, xiisadda Tukaraq iyo arrimo kale.

Madaxweyne Muuse Biixi oo ka hadlaayay xiisadda Tukaraq waxa uu sheegay in aanay Somaliland ku xad-gudbin Soomaaliya ee dhulkooda qayb kamid ah ay tageen ciidamada Somaliland waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Caalamka waxaan u sheegaynaa in aanan ku xud-gudbin Soomaaliya” ayuu yiri Muuse Biixi

Madaxweynuhu waxaa kale oo uu sheegay in maanta dagaal cidna dan u ahayn gaar ahaan Somaliland iyo Soomaaliya “..in aanu maanta colaad cid la galno noo dan maaha cidna kalena uma dan ah, Soomaaliya iyo Somaliland midna maanta dagaal diyaar uma ah..” ayuu yiri Muuse Biixi

Madaxwayne Biixi waxa uu sheegay in uu waajib ka saaran yahay sugida xuduudkooda islamarkaana ay sugayaan, waxaana uu. Dawladda federaalka ugu baaqay in ay joojiyaan waxa uu ku sheegay qaska ay ka wadaan qaar kamid deegaanada Somaliland.

Madaxyeynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo warbaahintu waydiisay wada hadal la sheegay in uu khadka telefoonka ku dhex maray isaga iyo madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in aanay toos u wada hadlin ee laakiin loo kala dab-qaaday. Sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale, warbaahinta ayaa waydiisay madaxweynaha su’aal la xiriirtay hadalkii wasiirkiisa warfaafinta ee ahaa in aanay masuuliyiinta dawladdu la hadli doonin warbaahinta madaxa-bannaan isagoo sheegay in ka dawlad ahaan ay iyagu u baahan yihiin warbaahinta madaxa-bannaan.

Ugu dambeyntii, waa markii ugu horraysay ee madaxwayne Muuse Biixi uu shir jaraa’id qabto tan iyo markii xilka loo dhaariyay.

Khaalid Foodhaadhi
Goobjoog News
Hargeysa, Somaliland