U bood dhigaalka

Muuse Biixi:Wasiirradaydu Ma Qayilaan

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maanta ka qayb-galay xafladdii qalin jabinta dufcaddii 17aad ee jaamacadda Camuud ayaa sheegay in golihiisa wasiirradu ay u badan yihiin dhallinyaro dalka gudihiisa wax ku baratay.

Madaxweyne Biixi ayaa waxaa kale oo uu sheegay in golihiisa wasiirradu aanay ahayn kuwo qaadka cuna oo qayila.

“Waxaa in badan la naawilayay oo la nagu dardaarmayay xukuumadda waxaa isku taxa odayaal wada da’ ah oo meesha ku daala. Waxaan isku daynay inaan dhalinyaro u dhiibno oo weliba ku qaata aqoontooda dalka gudihiisa wax ku bartay. Dabcan waa ku jiraan qurbe joog iyo kuwo da’waynba laakiin dhalinayro ayaan u badiyay. Imika dhaliilaha nagu soo noqdaa waxaa weeye waa maxay dhalinyaradani. Ma qayilaan suuqa ma yimaaddaan, makhaayado kama sheekeeyaan nin walba xafiiska siddeeda ayuu gala waxaana uu kasoo baxaa isagoo daalan oo File wayn sita..” ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa ka kooban 32 wasiir iyo ku xigeenno, waxaana la sheegaa in ay tahay xukuumad ay dhalinyaradu ku badan tahay.

Goobjoog News