U bood dhigaalka

Muwaaddin Soomaali Ah Oo Laga Soo Musaafurinayo Dalka Ingiriiska.

Sheeko:Dalka

Yacqub Xasan oo ah muwaaddin asalkiisu yahay Soomaali laakiin haysta dhalashada dalka Ingiriiska kuna eedeysnaa kufsi wadareed oo musaafurin lagu sameyn rabay la hakiyey kaddib markii rakaab careysan oo saarnaa diyaaraddii dib loogu celin rabay ay diideen in la celiyo laakiin ugu dambeyn la go’aamiyey in laga musaafuriyo dalka Ingiriiska.

Yacqub Ahmed oo 30 jir ah ayey ahayd in la musaafuriyo bishii October ee sannadkii hore laakiin dadweyne careysan ayaa hakiyey xilligaas iyadoo la sii daayey bishii March si damiin ah.

Wargeyska Daily Mail ayaa sheegay in dib loogu celiyey dhawaan xabsi oo lagu hayo halkaasoo looga sii qaadi doono garoonka diyaaradaha si loogu celiya dalka Soomaaliya oo uu Yacqub kasoo jeedo.

Yacqub iyo saddex nin oo kale ayaa lagu helay kufsi wadareed ay u geysteen gabar 16 jir ah sannadkii 2007  waxaana lagu xukumay xabsi sagaal sano ah. Daily Mail ayaa heshay xog ku saabsan in Yacqub laga musaafurin doono dalka Ingiriiska sida ugu dhaqsiyaha badan.

Yacqub ayaa hadda lagu hayaa xarun u dhaw garoonka diyaaradaha ee Heathrow halkaasoo loo diyaarinayo in dib loogu celiya dalka Soomaaliya.

Dowladda Ingiriiska ayaa la filayaa inay bixiso qarashka duulimaadka si looga hortago in markale ay rakaabka diyaaradda oo aan horey uga war hayn dambiyada Yacqub ay hakiyaan safarka si la mid ah safarkii hore.

Hooyada gabadha la kufsday ayaa sheegtay in musaafurinta ninkaan ay tahay caddaalad ay heshay gabadheeda waxayna ugu baaqday dadkii horey u hakiyey safarkii hore inay raaligelin ka bixiyaan maaddaama uu ninkani yahay dambiile.

Ondogo Ahmed oo loo xiray 8 sannadood shirqoolka lagu kufsday gabadhan ayaa markii dambe ku biiray kooxda ISIS ee Syria kaddib markii xabsiga laga sii-daayey waxaana la aaminsan yahay in la dilay isagoo ka dhinac dagaallamaya kooxda ISIS.

Daily Mail.