U bood dhigaalka

Muwaadin Soomaaliyeed oo Lagu Dilay Koonfur Afrika

Sheeko:Amniga

Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ayaa gudaha wadankaasi ku dilay wiil  ka mid ah Soomaalida ku gacasata dalkaasi xili uu ku sugaa meel aan sidaas uga fogeyn goobtiisa ganacsiga.

Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi xiray Yaasiin Maxamed Xasan, waxaana uu ka mid ahaa dhallinyada ku ganacsata magaalada Rustanburg ee dalkaasi Koonfur Afrika.

Kooxii burcadda ahaa ayaa isga baxsaday goobtii ay ku dileen muwaadinka Soomaaliyeed waxaana meydkiisa goobta ka qaaday Soomaali kale oo soo gaartay.

Wadanka Koonfur Afrika ayaa waxaa dilal joogto ah loogu geystaa muwaadiniinta  Soomaalida ah ee  u ganacsi tagtay wadankaasi sanadkii tagay ee 2019-ka ayaa sanad ay aad u badneyd dilal dadka Soomaalida ah

Goobjoog News