U bood dhigaalka

Muwaadin Soomaaliyeed Oo Lagu Diley K/Afrika

Sheeko:Dalka

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa burcad hubeysan oo gelinkii dambe ee shalay dil ugu geystay dalka Koonfur Afrika Muwaadin Soomaaliyeed.

Muwaadinkaan oo magaciisa lagu soo koobey Xasan ayaa lagu diley sida la sheegay xarun ganacsi oo uu ku lahaa xaafadda Khaliija ee magaalada Cape town , iyadoo raggii diley ay baxsadeen.

Burcadda wax dishey ayaa ku hubeysnaa Bistoolado, waxaana ay dhac ka geysteen xaruntii uu ku sugnaa muwaadinka la diley.

Mid kamid ah Soomaalida ku dhaqan Cape town ayaa u sheegay Goobjoog News, in halka dilka uu ka dhacay ay soo gaareen ciidamada Booliiska islamarkaana ay baaritaanno wadaan.

Dhibaatooyin sidan oo kale ah ayeey la kulmaan dadka Soomaaliyeed ee dalka K/afrika u aadey iney ka shaqeystaan, waxaana marar badan sidan oo kale xarumahooda ganacsi loogu diley muwaadiniin Soomaaliyeed.

Goobjoog News