U bood dhigaalka

Muwaadin Soomaaliyeed Oo Lagu Diley K/Afrrika

Sheeko:Dalka

Muwaadin Soomaaliyeed ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika.

Muwaadinkaan la diley ayaa magaciisa lagu soo koobay C/qani, waxaana la sheegayaa inuu ahaa darawal Taksi oo ka shaqeysan jirey halkaasi.

C/qani ayaa ka shaqeyn jirey magaalooyinka Johannesburg iyo Pretoria, hase ahaatee koox burcad ah ayaa la sheegay iney toogteen isaga oo si caadi ah shaqadiisa u watey.

Goobta falkaan ka dhacay waxaa sidoo kale ku dhaawacmay Labo ruux kale laakiinse lama sheegin iney Soomaali ahaayeen iyo in kale.

Booliiska South Africa ayaa wada baaritaanka arrintan, mana jirto cid arrintaan loo soo qabtay dilkaan.

Soomaali badan ayaa lagu dhibaateeyay dalka Koonfur Afrika, iyadoo la ogyahay in Soomaalida ay dalkaasi geeyeen ganacsi kala duwan.

Goobjoog News