U bood dhigaalka

Muwaadiniin Maraykanka Oo Lagu Qafaashay Ciraaq

Sheeko:Dalka

Safaarada dalka Mareykanku uu ku leeyahay magaladda Baghdad ee Caasimada dalka Iraq ayaa xaqiijisay in dhowr ruux oo American ah lagu afduubtay dalkaasi.

Safaaradda ayaa sheegtay in si dhow ay ula shaqeym doonto dowladda Iraq si dadkaas loo sii daayo.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in 3 ruux oo Mareykan ah iyo turjumaankoodii in la gu heysto koonfurta dalka Ciraaq waxaana wararkaa laga helay ilo maxalli ah oo dhanka ammaanka ah, balse mareykanku kama hadlin meesha lagu afduubtay iyo meesha  lagu hayo midna.

Saraakiil ka tirsan dowladda Mareykanka ayaa u sheegay  CNN-ka in ay la’ yihiin saddex qandaraaslayaal ah oo ciidamada Mareykanka la shaqeynayey.

War laga soo saaray wasaradda arrimaha dibadda dalka Mareykanka ayaa lagu yiri waxaan siineynaa ahmiyadda Kowaad sidii loo sugi lahaa ammaanka muwaadiniinta Mareykanka.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda John Kirby ayaa xusay in ay si dhow ula socdaan xaaladda muwaadiniintaa Mareykanka ah ee ciraaq lagu la’yahay.

Goobjoog News