U bood dhigaalka

Muwaadiniin Soomaaliyeed Oo Lagu Diley K/afrika

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Afrika ayaa waxay sheegayaan in 24-kii saac ee lasoo dhaafay dalkaasi lagu diley Muwaadiniin Soomaaliyeed oo howlo ganacsi u joogay dalkaasi.

Rag hubeysan ayaa la sheegay in Labo muwaadin Soomaaliyeed ku dileen, kadib markii ay siyaabo kala duwan ugu weerareen xarumo ganacsi oo ay lahaayeen ragga la dilay.

Magacyada ragga la dilay ayaa lagu kala sheegay Nuur Cismaan iyo sidoo kale Maxamed Xuseen, waxaana mid kamid ah lagu diley deegaan ku dhow xadka dalkaasi uu la wadaago Mozambique .

Soomaalida ku dhaqan dalka Koonfur Afrika ayaa walaac ka muujinaya weerarada is soo taraya ee iyaga lagu bartilmaameedsanayo.

Madowga Koonfur Afrika ayaa inta badan geysta falalka  lagu weeraro ganacsatada Soomaaliyeed, waxaana sidoo kale ay boobaan hantidooda.

Goobjoog News