U bood dhigaalka

Muwaadiniin Soomaaliyeed Oo Lagu Xirey Koonfurta Dalka Sudan

Sheeko:Dalka

Ciidamada Booliiska ee Koonfurta Sudan ayaa xabsiga dhigey Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ay ku eedeeyeen in ay dhac ka geysteen dalkaasi.

Afhayeenka Labaad ee ciidamada Booliiska Koonfurta Sudan, Santo Domic ayaa saxaafadda u sheegay in ay xabsiga dhigeen 26 qof oo qaarkood ay Soomaali yihiin,  kuwaasi oo looga shakisan yahay in habeenkii loo dabaaldegayey Sanadka Cusub ay kamid ahaayeen koox dhac ka geystay dalkaasi.

Waxa uu sheegay Afhayeenka iney wadaan baaritaan islamarkaana ay sida ugu dhaqsiyaha badan dhammaan dadka ay hayaan maxkamad soo taagi doonaan.

Afhayeen Santo Domic ma aanu sheegin tirada rasmiga ah ee Soomaalida ay hayaan, balse 26-ka ruux ee la hayo ayaa u kala dhashay oo kaliya Soomaaliya iyo Uganda.

Kooxo abaabulan,  islamarkaana wata gaadiidka leh miraayadaha Madow ayaa habeenkii loo dabaaldegayey Sanadka cusub ee 2107 waxay dhac ka geysteen deegaanno ka tirsan Koonfurta Sudan.

Goobjoog News