U bood dhigaalka

Muxuu Cumar Filish Ka Yiri Qaraxa Ex-control, Afgooye?

Sheeko:Dalka

Ugu badan 30 qof oo ay ku jiraan ku dhowwaad 15 ardey oo ka tirsan Jaamacadda Banaadir ayaa la sheegayaa iney ku geeriyoodeen qaraxa saaka ka dhacay Ex-control, Afgooye ee galbeedka Muqdisho.

Dhaawaca ayaa la sheegayaa inuu ku dhowyahay 100 qof, kuwaas oo hadda lagu dhabiibato isbitaallada magaalada Muqdisho.

Cumar Filish oo ah Duqa iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir oo goobta qaraxa ka hadlaya ayaa sheegay inuu qaraxa sababay dhimasho iyo dhaawac badan’

“Gaari Xamuul ah, waxaa uu isku qarxiyey isgoyska Ex-control, waxaa uuna sababay dhimasho iyo dhaawac fara badan, dhimashada tiro rasmi ah hadda ma heyno, dhaawaca waa 90-meeyo, waxay u badneyd ardey u socotay dugsiyo iyo jaamacadaha, tirada ugu badan waxaa ay ahaayeen Jaamacadda Banaadir”.

Filish oo sii hadlaya ayaa yiri“ Ciidamada amniga ayaa ka badbaadiyey in qaraxa uu magaalada u gudbiyo si mas’uuliyiin loogu baabi’yio, waana mas’uuliyad in dhibaatada ay xabadka u dhigtaan”.

Qaraxa oo ay soo abaabuleen Al-shabaab waxaa uu ka dhacay bar canshuuraha lagu qaado oo ku taalla Ex-control, ee jidka Afgooye, waxaana sidoo kale halkaasi ku burburay goobo ganacsi iyo gawaari.

Goobjoog News