U bood dhigaalka

Muxuu Deni Kala Hadlay Guddoonka Golaha Wakiillada Maamulkaasi?

Sheeko:Baarlamaanka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdillaahi Deni ayaa kulan kula qaatay xalay magaalada Garowe ee gobolka Nugaal madaxeyne ku-xigeenka maamulkaas, Axmed Cismaan Karaash, guddoonka golaha Wakiillada iyo qaar kamida Xildhibaannada Puntlnd.

Kulan ayaa waxaa mas’uuliyiintu isaga xogwareysteen xaalada ka jira gudaha Puntland iiyadoo sidoo kale si weyn loo falanqeeyey doorashada dalka 2020-2021, madaxweyne Deni ayaa mas’uuliyiintii uu la kulmay la wadaagay tallaabooyinkii ugu dambeeyey ee dowladda federaalka ay qaaday tashi la,aan.

Kulankaan wadatashiga ah ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo maamulka Puntland aysan xaadirin madashii Dhuusamareeb3, ee lagu gorfeeyey arrimaha doorashada, halkaas oo lagu gaaray hannaanka doorasho ee dalka uu aadayo sanadka 2020-2021-ka, waxaana la, ogeyn waxa iska bedeli doona Mowqifka Puntland.

Goobjoog News