U bood dhigaalka

Muxuu Ku Saabsan Yahay Shirka Uu Ra’iisalwasaare Kuxigeenka Soomaaliya Kaga Qaybgalay India?

Sheeko:Caalamka

Shir loogu magac daray “International Solar Alliance Summit” ayaa shalay ka dhacay waddanka India. Shirkan waxa ka soo qaybgalay in madax ka socota in ka badan 60 waddan oo saxiixay ka qayb noqoshada isgaashaanbuuraysigan iyo wafuud ka socota 60 waddan oo kale, waxana Soomaaliya ku metalayey Ra’iisalwasaare Kuxigeenka dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar).

Waa markii ugu horreysey ee shirkani qabsoomo, waxana isla soo qabanqaabiyey Ra’iisalwasaaraaha waddanka India Narendra Modi iyo Madaxweynaha dalka France Emmanuel Macron. Shirkan waxa loogu talagalay in sare loogu qaado isticmaal tamarta cadceedda (Solar Energy), loona dhiirrigeliyo ikhtiraacidda iyo soosaarka teknaloojiyadda cadceedda si loo yareeyo adeegsiga shidaalka sida naafatada iyo batroolka maaddaama oo ay qayb weyn ka ciyaaraan wasakhowga hawada iyo isbeddelka cimilada ee adduunka.

November 2015 ayay ahayd markii uu Ra’iisalwasaare Modi iyo Madaxweynihii hore ee France, Francois Hollande ay soo bandhigeen fekradda shirkan caalamiga ah, wakhtigaas oo ay ka qaybgelayeen shir lagaga hadlayey cimilada adduunka. Waddamada ugu badan ee shirkan ka qaybgalay waxa ay ka socdeen Galbeedka iyo Bariga qaaradda Afrika.

India waxa ay damacsan tahay inay ballaadhiso saamaynta ay adduunka gaar ahaanna qaaradda Afrika ku leedahay. India iyo China oo ah labo waddan oo jaar ah ayaa ku loolama ganacsiga qaaradda Afrika iyo weliba kan Aisa. Sidaasi darteed, India waxa ay istustay inay Afrika ka gadi karto qalabka cadceedda lagaga dhaliyo tamarta oo ay soo saaraan si ay ula tartanto China oo suuqa Afrika saamayn xooggan ku leh.

Markii uu shirkani soo dhammaaday ayaa Ra’iisalwasaare Modi qasriga Madaxtooyada ku qaabbilay wufuuddii ka soo qaybgashay shirka qaarkood oo uu ku jiro Ra’iisalwasaare Kuxigeenka dalka, Mahdi Maxamed Guuleed, waxase nasiib darro ah inaan ilaa hadda wax faahfaahin ah laga hayn waxyaabihii ay labada dhinac ku wada hadleen iyo guud ahaan wixii ay Soomaaliya shirkan ka soo faa’iddey taasi oo tusinaysa sida Soomaaliya aanay muhiimad gaar ah u siin shirkan oo uu waddanku baahi weyn u qabo maaddaama oo ay innagu yar tahay isticmaalka tamarta cadceedda oo hadda adduunweynaha ku xoogaysanaysa, Hindiyana ay innaga caawin karto helidda qalabkaas oo raqiis ah iyo weliba helista aqoonta cilmiga iyo taknaloojiyadda tamarta cadceedda.

Ugu danbayntii, shirkani waa mid sannadle ah oo sannadkii hal mar dhici doona, India ayaana majaraha u haysa iyada oo garab ka helaysa waddanka France.

Goobjoog News