U bood dhigaalka

Muxuu Ku Saabsanaa Kulanka Ra’isul Wasaare Kheyre, Macalin Maxamuud iyo Sheekh Shaakir?

Sheeko:Dalka

Ra’isul Wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa saaka hoyga uu ka deggan yahay magaalada Dhuusamareeb  kula kulmay guddoomiyaha guud ee Ahlusuna Macalin Maxamuud iyo wasiirka 1aad ee Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Kulanka ayaa ujeedkiisa lagu sheegay sidii looga wada hadli lahaa arrimo ay culimada tabanayaan sida: Hirgelinta heshiiskii ay labada dhinac wada galeen iyo hubinta maqaamka ay Ahlus sunna ku yeelan doonto doorashada cusub ee madaxtinimada kadib.

Warar kulanka ku dhow ayaa Goobjoog News u sheegay in labada dhinac isafgareen, isla markaana lagu balamay in kulamada la sii wado, shirka dib u heshiisiinta ay Ahlu sunna ka qaadato kaalin libaax.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa isniintii gaaray Dhuusmareeb, waxaa uuna kulankan dhacayaa todobaad kadib markii kooxda Ahlu sunna ay sheegeen inuu burburay heshiiskii ay la galeen dowladda federaalka ah.

Arbacada waxaa lagu wadaa in Dhuusamareeb laga furo shirka dib u heshiisiinta Galmudug, kaas oo lagu dhisi-doono maamul loo dhan yahay oo ay yeelato dowlad goboleedkaasi.

Goobjoog News