U bood dhigaalka

Muxuu Sharcigu Ka Qabaa Mas’uuliyiinta Rayidka Ah Ee Xirta Dharka Ciidanka?

Sheeko:Amniga

Sanadihii dambe, waxaa Soomaaliya ka bilowday dhaqan cusub kaas oo mas’uuliyiin qaran, oo rayid ahi ay ku labistaan dharka ciidanka. Haddaba sharci ahaan waa sidee? Ma jirtaa cid dastuuri ah oo loo ogolyahay? Sidee ayey ahaayeen dowladihii hore? Haddii uu dhaqankan sii-socdana maxaa dhacaya?!!

Su’aalahaasi waxaa ay Goobjoog News hor-dhigtay saraakiil ka tirsan ciidamada, qeybahooda kala duwan iyaga oo si qotto-dheer uga hadlay sharciyada arrintan la xiriira iyo xataa dareenkooda ciidannimo.

Admiral Faarax Axmed Cumar “Faarax Qare” Taliyihii hore ee Ciidanka Badda iyo  rugcaddaa ka tirsan ciidamada, isaga oo arrintaasi ka hadlayo waxaa uu yiri“Sharciga iyo dhaqanka aan arki jiray kuma jirin, kutubta aan soo arkay kuma jirin. Dharka ciidanka, keliya ciidan ayaa qaadan karo”.

Mudane Qarre, mar aan wax ka weydiinney madaxdii hore haddii ay qaadan jireen waxaa uu ku jawaabay“Kuwan kuwii ka horreeyay kuma arkin, aniga waxaan soo joogay Aaden Cadde iyo Cabdirashid, xilliyadaas dhaqankan ma jirin, weligeyna kuma arkin, Laakin Maxamed Siyaad Xilligiisii Dalka Ciidamo ayaaba heystay”.

Admiral Faarax Qarre, mar aan sababta kuwan ku kalifeysa weydiiney waxaa uu yiri“Waxaan u fahmay dhiiri-gelin iyo adinka ayaa idiinka mid nahay, laakin waa qalad”.

Col. Sharif Roobow oo xilligii dowladdii dhexe ka tirsanaa xoogga dalka oo isna arrinkan ka hadlayo waxaa uu yiri“Dharka ciidanka waa darajo la helo, in la iska labisto waa qalad, waxaan u fahmay is-tus tus, looma baahna showgaas, waxaan arkey wasiirro labisanaya, wuxuu rabaa inuu dadka tuso inuu (opration)howlgal ku jiro, taasina waa qalad, wasiirka shaqadiisa Operation ma aha, waa jago siyaasadeed, waa inuu habeeyo ciidanka, xuquuqdooda siiyo, lana xisaabtamo”.

Mar Col. Sharif Roobow weydiinney sida arrinkan looga gudbi karo, wuxuu ku jawaabay“Waa dhaqan xun, oo ay barteen, si la yeelo ma leh”.

Dhinaca kale, Dadka ay Goobjoog News la hadashay waxaa ka mid ahaa Axmed Mayow(Col Ruush), oo ahaa gashaanle dhexe iyo sarkaal ka tirsanaa ciidamada xoogga, hadda waa Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka 10aad.

Axmed Mayow(Col Ruush), waxaa uu sheegay in madaxweynaha uu yahay taliyaha guud ee ciidanka sida dastuurka ku qoran, isaga oo intaas raaciyay“Madaxweynaha dastuurka ayaa u ogol, cid kale looma ogola, dalka waa inuu dastuur ku socdaa, laguna dhaqmaa”. “Hadda dadkan iska labisanaayo dastuur ma aha ee qardo-jeex”.

Gebogabadii, mar haddii ay caddaatay in dharka ciidamada aaney qaadan Karin qof aan ciidan aheyn, ama darajo ciidan aan heysan, mas’uuliyiinta qaranka ee labiskaas soo xirto iyaga oo aan mudneyn waa been-abuur shaqo, waana si deg-deg ah  inay arrinkaas ka tanaasulaan, una hoggaansammaan sarreynta sharciga, oo weliba tusaale u noqdaan umadda ay hoggaamiyaan.

Goobjoog News