U bood dhigaalka

Muxuu Tarayaa Tirakoobka Lagu Sameeyey Dadka Soomaaliya Ku Nool ?

Waa Imisa dadka ku nool Soomaaliya ? , tani waa su’aal ay adagtahay in si sahlan looga jawaabo, qofkii aad weeydiisidna wuxuu kuugu jawaabayaa “Ma anigaa tiriyey”.

Laakiin wasaaradda qorsheynta qaranka iyo hey’adda tirakoobka dadka ee Qaramada Midoobey UNFPA ayaa maanta (26/5/2015) soo bandhigey warbixin ka hadlaysa tirada loo maleynayo in ay Soomaalida dhantahay, taasi oo lagu saleeyey qiyaaso iyo odoros la sameeyey.

Goobtii warbixinta lagu soo bandhigayay waxaa joogey Ra’isulwasaare ku xigeenka Maxamed Cumar Carte Qaalib iyo wasiirka qorsheynta qaranka Cabdiraxmaan Ceynte, waxaana warbixinta lagu sheegey in Soomaalida lagu qiyaasay in ay dhantahay 12,316,895 (Labo iyo taban milyan, sedex boqol iyo lix iyo tobonkun, sideed boqol iyo 95 qof), kuwaasi oo boqolkiiba %74 ay yihiin dad da’doodu ay ka hooseyso 30 jir, halka %10 ay yihiin barokacayaal.

Meelaha laga qiyaas qaatay waxaa ka mid ah hawlaha samofalka, ceelasha biyaha, isbitaalada iyo goobaha dadka guud ee dadka isugu yimaadaan, balse tirakoobkani waa mid qiyaas ku dhisan oo aanan hubanti ahayn in uu saxanyahay.

Xitaa haddii uu saxanyahay tirakoobka, waxaa la’isweeydiin karaa waxa uu tarayo marka laga tago in la ogaado tirada ay Soomaalida dhantahay, oo markaasi laga jawaabo su’aasha aan qoraalka kusoo biloowney?

Tirakoobka waxa uu ka midyahay waxyaabaha ugu muhiimsan ee dowlad kasta iyo maamul kasta uu u baahanyahay, marka la ogyahay tirakoobka dadka degen magaalo ama meel gaar ah waxaa la qorsheyn karaa adeegyada asaasiga ah ee dadkaasi loo fidinayo, tusaale ahaan inta iskuul ee meeshaasi laga dhisayo, isbitaal, biyogalin, korontada , amniga iyo waxyaabaha kale ee daruuriga ah.

Sidoo kale waxaa la qorsheyn karaa xajmiga gargaarka ama samafalka la gaarsiinayo dadkaasi haddii ay dhacdo masiibo dabiici ah ama mid kale, tusaale macaluusha oo kale.

Tirakoobyada waxaa sidoo kale lagu saleeyaa dajinta miisaaniyadda, qorista shaqaalaha dowladda, ciidamada, iyo sida gobolada kala duwan ee dalka loo kala geynayo shaqaalaha dowladda.

Xukuumadda hadda jirta waxa ay leedahay miisaaniyad sanadka 2015-ta, taasi oo dhan $200 milyan oo doolar, balse %80 miisaaniyadda waa mid ku baxda qarashaadka dowladda, waxaana aad u yar inta lagu bixiyo adeegyada asaasiga ah ee bulshada u baahantahay, sidaasi darteed tirakoobka hadda la sameeyey ma ahan mid wax badan ka badali doona miisaaniyadda dalka.

Waxaa la rajaynayaa in tirakoobkani uu wax ka taro sida gobolada dalka loogu kala qeybinayo gargaarka caalamiga ah ee kusoo dhaca gacanta dowladda, gaar ahaan barnaamijka Hiigsiga Cusub ee beesha caalamka ay lacago ugu yaboohdey Soomaaliya.

Si kasta oo ay ahaataba tirakoobkani lasoo bandhigey ma ahan mid wax badan taraya hadda labo sababood oo waaweyn dartood, tan koowaad waa in tirakoobka uu yahay mid qiyaas ah oo aanan sinaba loogu kalsoonaan karin saxnimadiisa, tan labaad oo ah in dowladda aysan maanta heysanin miisaaniyad ku filan oo lagu qabto adeegyada ay u baahanyihiin 12 malyuun oo qof.

Sidaasi darteed waxaa markasta loo baahnaan doonaa in la sameeyo tirakoob sax ah oo dadka mid mid loosoo xisaabiyo, iyo sidoo kale in dowladda ay hesho dakhli ku filan oo dadka tiro kasta oo ay dhanyihiin ugu yaraan la dabooli karo baahiyaha waaweyn.

Goobjoog News