U bood dhigaalka

Muxuu Xaaf Ugu Wakiishay Wasaaradda Arrimaha Gudaha DFS Doorashooyinka Galmudug?

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu ku sheegay in wasaaradda arrimaha gudaha ee xukuumadda federaalka u wakiishay doorashada Galmudug.

Hay’adaha kala ee Galmudug ayuu faray iney sii wataan waajibaadkooda shaqo, balse arrimaha dib u heshiisiinta iyo doorashooyinka u wakiishay wasaaradda arrimaha gudaha.

Xaaf ayaa ku sugan magaalada Muqdisho, isaga oo inta uu magaalada joogay la kulmay madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Farmaajo, halka Ra’iisul wasaaraha uu kula soo kulmay magaalada Cadaado.

Halkaan hoos ka akhriso qoraalka: