U bood dhigaalka

MW Axmed Oo Ka Qeyb Galaynin Shirka Amniga

Sheeko:Dalka

Jubbaland ayaa shuruud ku xirtay ka qeyb galka shirka uu iclaamiyay madaxweyne Maxamed Farmaajo ee gollaha amniga qaranka.

Aadan Ibraahim Aw-Xirsi oo ah wasiirka wasaaradda Qorshaynta ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa ka dhawaajiyay in Madaxwayne Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) uusan imaan doonin magaaladani Muqdisho islamarkaana uu ka qeyb gali doonin shirka Gollaha Amniga Qaranka oo uu Madaxwayne Maxamed Farmaajo ku baaqay fiidnimadii sabtida ahayd ee la soo dhaafay.

Sida qorshaha uu yahay shirka oo la doonayo in uu ka dhaco maagaalada Muqdisho ayaa la shaaciyay in uu ka qabsoomayo magaaladani 17-ka illaa iyo 18-ka bishani aynu ku guda jirno ee September 2018, sidaas waxaa lagu sheegay war qoraal ah oo laga soo saaray aqalka dalka looga arrimiyo ee Villa Somalia.

Baaqaasi Madaxwaynaha dowladda federaalka Farmaajo ayaa yimid saacado yar kaddib markii warsaxaafadeed laga soo saaray baxay Shirkii Magaaladda Kismaayo ugu gabagaboobay Madasha Iskaashiga dowlad goboleedyadda, kaasoo ay ku sheegeen inay hakiyeen wadashaqayntii dowladda kala dhaxaysay.

Wasiirka qorsheynta Jubbaland Aadan Aw-Xirsi oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa rasmiga ah ee Twitter-ka ayuu ku shaaciyay in marnaba maamulkiisa uusan shirkaan kasoo qaybgeli doono, maadaama ay joojiyeen xiriirkii wadashaqayneed ee kala dhaxaysay dowladda Federaalka.

“Inkasta oo Gollaha Iskaashiga maamuladda uu ku dadaalayo in la helo wada-hadal wax ku ool ah oo lala yeeshaan Xukuumaddayada Federaalka oo raadineysa xal xeeldheer oo la xidhiidha hannaanka ku-meel-gaadhka ah ee waddanka, lama filayo inaan ka soo qaybgalno shirka Golaha Ammaanka Qaranka ee soo socota, sida lagu xayeysiiyay barta Twitter-ka ee xafiiska Madaxwaynaha,” ayuu uqornaa qoraalka Wasiirka.

Mudane Aw Xirsi oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyay inuu si cad daboolka uu uga qaadayo in maamulkiisa uu ka sugayo Madaxtooyadda Soomaaliya inay jawaab cad ay kasoo bixiso gabi ahaanba War-muriyeedka Shirkii saddexaad ee Gollaha Iskaashiga maamuladda iyo dhaliilaha loogu jeediyey.

“Waxaan haatan ka sugeynaa Villa Soomaaliya inay si qoto dheer uga hadlasho, ayna meelayso digniinta khatarta ah ee lagu sheegay War-murtiyeedka Shirka Saddexaad ee Madasha Iskaashiga dowlad goboleedyadda,” ayuu raaciyay.

Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa wuxuu noqonayaa maamul goboleedkii ugu horeeeyay ee ka tirsan Gollaha Iskaashiga dowladaha xubinta ka ah xukuumadda federaalka, kaasoo ka horyimid shirka uu ku baaqay Madaxwaynaha, lamana ogga mowqifka kuwa kale.

Goobjoog News