U bood dhigaalka

MW Gaas Oo Shaqada Ka Joojiyay Saraakiil Ka Tirsan Daraawiishta Puntland

Sheeko:Amniga

War qoraal ah oo laga soo saaray madaxtooyada Puntland ee Garoowe oo nuqul kamid ah la soo gaar siiyay Goobjoog News baa lagu sheegay in madaxweynaha uu eryay saraakiil ka tirsan ciidamada Puntland

Madaxweynaha Dowladda Puntland  Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Ruqseeyey 7sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Daraawiishda Puntland kuwaaas oo dhawaan warbaahinta ka soo muuqday iyagoo dhaliilay hogaaminta madaxwayne Gaas isla markaana sheegay in ka soo horjeedaan Shirkii madasha iskaashiga dowlad goboleedyada Digreeta lagu ruqseeyey saraakiisha ayaa sidan u qornayn .

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa 25 October 2018 ka Rukhseeyey Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland 7 Sarkaal oo katirsan Ciidanka Daraawiishta

Ujeedo:    Rukhso Saraakiil

Laga bilaabo 25 October 2018 waxaa Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland laga Rukhseeyey (7) Sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta kadib marka ay ku kaceen falal lid ku ah jiritaanaka Puntland iyo anshaxa ciidannimo, kuwaas oo kala ah.

  1. G/Sare Jaamac Axmed Maxamer (Luujito)
  2. G/Sare Maxmed Cali Qase
  3. G/Sare Maxamed Ducaale Maxamuud (Ayax)
  4. G/Sare Cabdirsaaq Aadan Cali (Dhancad)
  5. G/Dhexe Cabduqaadir Jaamac Cabdi (Dhalo muro)
  6. G/Le Maxamuud Cali Xirsi ( Afgaab)
  7. Dhame Cumar Aadan Cabdi (Boolo Boolo)

Fulin Wacan

-DHAMMAAD-

Goobjoog News