U bood dhigaalka

Naafada Ku Nool Cadaado Oo Gurmad Dalbaday

Sheeko:Dalka

Dadka naafada ah ee ku nool magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa lagu soo waramayaa in xilligaan ay haysato xaalad adag oo dhanka nolosha ah, kuwaasi oo dalbaday gurmad dhan walbo leh.

Dadkaan oo aan shaqeysan karin, isugu jira dad aragga la iyo kuwo curyaamiin ah, ayaa waxay sheegeen in xilligaan aanay haysan wax ay ku afuraan.

“Nolosha aan ku noolnahay waa mid adag, wax walbo waan isaga baahannahay, waxaan nahay dad naafo ah, dadka shaqeysan kara ayaan ka rabnaa iney gurmad nala soo gaaraan” sidaasi waxaa tiri mid kamid ah haweeney naafo ah oo la hadashay Goobjoog News.

C/laahi Cumar Jaamac, guddoomiyaha naafada magaalada Cadaado oo isna la hadlay Goobjoog ayaa sheegay in dadkaan aysan haysan adimo ay ku shaqeystaan, ayna iska jirto xaalad adag xilli dadkaan aanay haysan cid ay ku tiirsan yihiin.

“Dadkaan cidna kuma tiirsana, xaaladdu wey ka adag tahay, waxaan ka codsaneynaa dadkeenna walaalaha ah iney u gurmadaan dadkaan oo afur lasoo gaaaraan oo aysan ka walwalin wax ay cunaan” ayuu yiri C/laahi.

Deegaannada Galmudug waxaa saameyn weyn ku yeeshay abaarta ka jirta dalka, waxaana dadku u baahan yahay gurmad dhan walbo leh.

Goobjoog News