U bood dhigaalka

Naafada Ku Nool Gaalkacyo Oo Sameystay Urur Ay Ku Mideysan Yihiin

Sheeko:Dalka

Dadka naafada ah ee ku sugan magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa kulan ay isugu yimaadeen waxay markii ugu horreysay ku doorteen hoggaamiyaha urur ay iyagu ku mideysan yihiin.

Waxay dadkan naafadaha ah doorteen Guddoomiye, ku xigeenkiisa, iyo xoghaye, waxaana ay doonayaan inay ku helaan midowgoodaan xuquuq badan oo ay la yihiin.

Guddoomiyaha ururka naafada Gaalkacyo ayaa loo doortay Cabdiraxmaan Yaasiin Colaad, ku xigeenkana waa Durraan Axmed Faarax halka xoghaye loo doortay Waris Cabdullaahi Shirwac.

Qaar ka mid ah dadkaan naafadaha ayaa u sheegay Goobjoog News inay ku faraxsan yihiin inay hogaan mideysan sameystaan oo markaan si mid ah ay u wada hadli doonaan.

“Maanta waxaan halkaan ku dooranay guddoomiyaha ururka naafada Gaalkacyo iyo ku xigeenkiisa, waxaan rajeynaynaa in ay naafadu horumarto, hamigaan mar hore buu nagu dhashay markii aan aragnay in naafadii aanay haysan wax shaqo ah, waxbarasho iyo caafimaad intaba” sidaasi waxaa tiri mid ka mid ah haweenka naafada ah oo Goobjoog la hadashay.

Dhinaca kale guddoomiyaha cusub ee ay doorteen dadka naafadaha ah ee ku sugan magaalada Gaalkacyo Mr Cabdiraxmaan ayaa sheegay in uu soo celin doono wax walbo oo xuquuq ah ee ka maqan dadka naafada ah.

Marar badan waxaa cabasho xooggan muujiyey naafada ku nool magaalada Gaalkacyo iyaga oo sheegaya in la dhinac marsiiyey xuquuqdii ay lahaayeen sidoo kalena ku jiraan xaalado adag oo dhanka nolosha ah.

Goobjoog News