U bood dhigaalka

Naafada Ku Nool Garbahaarey Oo Gurmad Dalbaday

Sheeko:Dalka

Dadka ku naafoobay colaadaha iyo cudurro dalka ka jira ee ku sugan degmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo ayaa ka cabanaya macluul iyo gaajo daran oo haysata.

Naafadan oo isugu jira indhoolayaal, dhagoolayaal iyo cuuryaamiin rag iyo dumar ah ayaan haysan fursado shaqo iyo taageero bulsho midna.

Maxamed Xasan Shire oo ah Gudoomiyaha dadka naafada ah ee degmada Buurdhuubo  ayaa Goobjoog u sheegay in dad naafo ah oo ka badan ilaa Afar boqol oo qof oo deegaanka ku nool aysan helin gargaar iyo kaalmo maxalli ah iyo mid dibadeed toona, isagoo sheegay dhibaatooyinka ay qabaan in ay ugu weyn tahay cunno la’aan, hoy la’aan, Caafimaad darro iyo rajadooda oo aad u xun ,maadaama deegaanka ay horey ugu jireen Abaaro iyo Colaado hakad ku keenay gadiidkii soo galayey deegaanka.

“Dadka naafadaha ah aad bay u liitaan, ma haystaan cunto, qaarkood xaaladooda meel hoose ayeey tagtay, macluul ayaana lagu sifeyn karaa, waxay u baahan yihiin gurmad dhan walbo leh, waxay u baahan yihiin raashiin, caafimaad iyo hoy wanaagsan” ayuu yiri Mr. Shire.

Ugu dambeyn guddoomiyaha dadka naafada ah ee Garbahaarey ayaa ugu baaqay hay’adaha samofalka ah, Jubbaland iyo dowlada Federaalka ah in gurmad degdeg ah lasoo gaaraan dadkaasi.

Goobjoog News