U bood dhigaalka

Nabaddoon Caawa Lagu Dilay Gaalkacyo

Sheeko:Amniga

Waxaa caawa waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug lagu dilay mas’uul ka tirsanaa dowlad gobaleedka Puntland.

Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa  caawa maqribkii ka dib dil ugu geystay xaafadda Garsoor mas’uul la sheegay inuu ahaa guddooomiyihii waaxda shanaad ee xaafada Garsoor.

Wararka  cawa Goobjoog News ay Gaalkacyo ka helayso ayaa ku waramaya in marxuumka la dilay lagu magacaabayey Cabdiraxmaan Nuur Geesdiir, sidoo kale waxaa uu ahaa mid ka mid ah nabaddoonnada sida weyn looga yaqaanay gobalka Mudug.

Wararka ayaana intaasi ku daraya in guddomiyaha  la dilay ka dib markii uu ka soo baxay Masjid uu salaadii Maqrib ku tukaday, xili uu ku siijeeday hooygiisa isla xaafada ah.

Kooxii dilka geystay ayaa goobta isga baxday, ciidamada ammaanka oo goobta soo gaaray ayaa bilaabay baaritaanno ay ku baadi goobayaan qoolyihii dilka ugu geystay guddoomiyaha,  mana jiro cid loo soo qabtay dilka caawa ka dhacay Gaalkacyo.

Waxaa mudooyinkii dambe isa soo taraayey dilalka ka dhacaayo magaalada Gaalkacyo iyo deegannada kale ee Puntland, kuwaas oo  loo geysto ciidama ammaanka iyo dadka mas’uuliyiinta ah.

Goobjoog News