U bood dhigaalka

Nabaddoon Lagu Dilay Degmada Buuhuudle

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo degmada Buuhuudle ee gobolka Togdheer ayaa waxaa ay sheegayaan in kooxo hubeysan habeenimadii xalay ay deegaanka ku dileen mid kamid Nabaddoonnada  deegaanka.

Marxuumka Xasan Sheikh Suleebaan ayaa la toogtay xili uu ku sii jeeday hoygiisa oo ku yaalla degamada, kooxihii dilka geystay ayaa goobta isaga baxsaday.

Weli kama hadlin hey’adaha amniga, mana jiro cid sheegatay mas’uuliyadda dilka ka dhacay Buuhuudle.

Goobjoog News