U bood dhigaalka

Nabaddoon Lagu Dilay Gobalka Bay

Sheeko:Amniga

Kooxo hubeysan ayaa maanta degmada Buurahakaba ee Gobolka Bay ee dowlad gobaleedaka Koofur Galbeed ku dilay nin ka mid ahaa Nabaddoonnada sida weyn looga yaqaanay degmada.

Nabaddoon la dilay ayaa  magacaabi Jiray Malaaq Maxamed Ooye Ibrahim oo ka tirsanaa odayaasha dhaqanka ee degmadaasi, wararka ayaa ntaas ku daraya in rasaas dhowr ah oo ku dhacday uu dhaawac ka soo gaaray ka dibna uu u geeriyooday  Nabaddoonka.

Kooxdii  dilka geysatay ayaa goobta ka baxsaday waxaana goobta soo gaaray ciidamada ammanka oo  bilaabay baaritaanno ay ku baadi goobayaan qoladii dilka geysatay lakiin lama sheegin cid loo soo qabatay dilka ka dhacay Buurhakaba.

Maalumka degamada ayaa markii dambe shaaciyey geerida Nabaddoon Malaaq Maxamed Ooye Ibraahim, guddoomiyaha degmada Buurhakaba Cabdi Maxamed Axmed ayaa bulshada degmada tan iyo gobalka Bay uga tacsiyeeyey geerida Nabaddoonka.

Goobjoog News