U bood dhigaalka

Nabadoon Axmed Diiriye: Hala Joojiyo Dagaalka Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed ayaa ugu baaqey maamullada Puntland iyo Galmudug in si shuruud la’aan ah ku joojiyaan dagaalla socda magaalada Gaalkacyo.

Nabadoonka ayaa sheegay in dagaalladaasi aaney dan ugu jirin shacabka gobolka Mudug, islamarkaana looga baahan yahay madaxda Labada maamul in shacabka ay u turaan.

Waxa uu sidoo  kale sheegay Nabadoon Axmed Diiriye in taariikhdu ay qori doonto cid walbo oo dalka iyo dadka u horseeda dhibaato, sidaa darteed loo baahan yahay in hoggaamiyeyaasha Puntland iyo Galmudug u tanaasul u sameeyaan shacabkooda.

“Hala joojiyo dagaalka Gaalkacyo, dadka Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin  nabad iyo kala dambeyn, ma ahan in  maanta dhiigga shacabka la daadiyo, Gaalkacyo waxaan ka fileynay iney nabad kasoo yeerto, ma ahayn in mar kale la dagaallamo” ayuu yiri Nabadoonka.

Ciidamada Puntland iyo Galmudug ayaa ku dagaallamay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, waxaana dagaalladaasi ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Goobjoog News