U bood dhigaalka

Nabadoon Axmed Diiriye Oo Ku Baaqay In La Dhiso Dekadda Hobyo

Sheeko:Dalka

Nabadoon Axmed Diiriye Cali ayaa madaxweynaha cusub ee Galmudug u soo jeediyay inuu dardargeliyo furitaanka dekadda Hobyo iyo dib u heshiisiinta.

Wareysi uu siiyay Goobjoog ayuu ku sheegay Nabadoon Axmed Diiriye in madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaale Geelle ay u taallo shaqo aad u adag una baahan mas’uuliyad inuu iska saaro.

Axmed Diiriye ayaa sheegay in haddii madaxweynaha cusub ee Galmudug uu ka shaqeeyo horumarinta degaanka si meesha ay uga baxdo dadka mucaaradka ku abuuraya Galmudug.

“Madaxweyne Xaaf waxaan leenahay Allaha kula garab galo howlaha ku horyaalla, waxaana ku baaqayaa in la dhiso oo la furo degmadda Hobyo si ganacsiga uu horumar u keenno, sidoo kale waxaan ku baaqayaa in dib u heshiisiinta uu madaxweynaha xoogga saaro” ayuu yiri Axmed Diiriye.

Dekadda Magaalada Hobyo ee gobolka Mudug oo dhowaan shaqo billowday ayaa waxaa dhowr jeer laga soo dejiyay shixnado ganacsi oo kala duwan tallaabadaasoo ay bogaadiyeen ganacsatada iyo dadka degaanka.

Goobjoog News