U bood dhigaalka

Nabadoon Axmed Diiriye “Shacabka Soomaaliyeed Ha u GurmadaanWalaalahooda Ku Dhibban Yemen”

Sheeko:Dalka

Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed ayaa sheegay in dowladda Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed laga doonayo in ay xoojiyaan gurmadka loogu jiro sidii loo soo badbaadin lahaa Soomaalida ku dhibban Yemen.

Waxa uu Nabadoonka sheegay in ay wanaagsan tahay in dadkaasi loo diro wax walba oo naftooda lagu soo badbaadin karo, lana eego shacabka dhibban.

“Shacabka Soomaaliyeed ha u gurmadaan walaalahooda ku dhibban Yemen, waa in cid walba ay u istaagto wixii ay qaban karto, waxaa in markii dadkaasi la keeno ay helaan dad dalkoodii kusoo dhaweeya” ayuu yiri Nabadoonka.

Nabadoon Axmed Diiriye ayaa dhinaca kale sheegay in dowladda looga baahan yahay inay bixiso dhulkii dadkaasi la dejin lahaa si ay u helaan meel ay ku nafisaan.

Wadanka Yemen waxaa ka socda dagaallo, iyadoo dalkaasi ay ku dhibban yihiin muwaadiniin badan oo Soomaaliyeed una baahan gurmad degdeg ah in loo fidiyo.

Goobjoog News