U bood dhigaalka

Nabadoon Caan Ah Oo Lagu Dilay Masjid Ku Yaalla Magaalada Boosaaso

Sheeko:Amniga

Nin ku hubeysan Bistoolad ayaa waxa uu goor dhow masjid ku yaalla magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ku dilay nabadoon aad looga yaqaannay guud ahaan deegaannada Puntland.

Nabadoonka la dilay ayaa lagu magacaabayey Suldaan Bashiir Muuse Koonte waxaana soo gaaray markii hore dhaawac halis ah, ugu dambeyn wuxuu ku dhintay Isbitaalka National ee magaalada Boosaaso.

Goob joogayaal ayaa sidoo kale inoo sheegay in dilka kadib la maqlay qarax Bam oo nooca gacanta laga tuuro ah, balse lama sheegin wax khasaare ah oo qaraxaasi ka dhashay.

Qofkii ka dambeeyey dilka Suldaanka ayaa isaga baxsaday halkaasi, waxaana goobta gaaray ciidamada Puntland oo howlgallo wada.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News