U bood dhigaalka

Nabadoon Dhaliilay Hannaanka Uu Ra’iisul Waraaha u Bedalay Saddex Wasiir

Sheeko:Dalka

Boqor Maxamed Jaamac oo ka mid ah odayaashii 135-ta ee soo xulay baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhaliilay qaabka uu Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre u bedalay Saddex kamid ahaa golahiisa wasiirada.

Waxa uu sheegay in is  bedalka muhiim uu yahay, balse aanay ku fekerin qaabka hadda loo maray waa sida uu hadalka u dhigaye.

Sidoo kale boqorka ayaa sheegay in xubnaha cusub ee lasoo magacaabay uu ku jiro shaqsi uu sheegay in gabood fallo geystay xilligii dowladdii uu hoggaaminayey Xasan Sheekh Maxamuud, welina aan wax cadaaladda ah la horgeyn.

“Waxaan ka xumahay sidey wax u dhaceen, isbedal waa uu wanaagsanaa, laakiinse isbedalka sida loo sameeyay looma baahneyn, waxaa wasiirada ku jira shaqsi gabood fal sameeyay, waliba aniga si gaar ah iigu sameeyay oo meeshii cadaaladda la geyn lahaa lagu abaalmariyey xil” ayuu yiri Boqor Maxamed.

Ugu dambeyn, Boqor Maxamed Jaamac ayaa ugu baaqay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Kheyre laga doonayey in waxgaradka ay kala tashtaan shaqsiyaadka ay soo magacaabayaan waxgaradkooda, kahor inta aanay xilka u dhiiban.

Goobjoog News