U bood dhigaalka

Nabadoon Jaabiri “Shirka Kismaayo Dowladda Ayaa Lagu Carqaladeynayaa”

Sheeko:Dalka

Nabadoon C/raxmaan Jaabiri Samatar oo ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed ee kasoo jeeda Puntland ayaa sheegay in shirka maanta ka furmaya magaalada Kismaayo ee dowlad goboleedyada yahay mid lagu carqaladeynayo dowladda federaalka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in ka waxgarad ahaan aanay wax kale u arag in shirkaan looga danleeyahay, ayna rabaan madaxda dowlad goboleedyada iney soo saaraan waxyaabo ka dhan ah dowladda waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Adeer shirkaas waxaan u arkaa mid la mid ah kuwii hore, inuu yahay shir lagu hagaldaacinayo dowladda federaalka, isbahaysi lagu sameynayo, dowlad goboleedyadana ay rabaan in la sameeyo waxa ay iyaga rabaan oo kaliya” ayuu yiri Nabadoon Jaabiri.

Dhanka kale, Jaabiri oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “ma ahan shirkan mid looga hadlayo xaaladda guud ee dalka waayo dowladda dhexe ayaa loo doortay, nin walbo gobolkiisa ayaa waxqabad uga baahan oo dadkii u kala qeybiyey reer reer”

Kismaayo maanta oo Isniin ah waxaa ka furmaya shirka madaxda dowlad goboleedyada kaasi oo lagu sheegay in looga hadli doono arrimo badan oo dalka quseeya.

Goobjoog News