U bood dhigaalka

Nabadoon Ku Baaqay In Doorashada Galmudug Ay Ku Dhacdo Si Cadaalad Ah

Sheeko:Dalka

Nabadoon Cali Diiriye oo kamid ah waxgaradka Galmudug ayaa ugu baaqay baarlamaanka maamulkaasi in si cadaalad ah ay ku doortaan madaxweynaha cusub ee Galmudug.

Waxa uu sheegay Nabadoonka in doorashadan ay soo dhoweynayaan, islaamrkaana ay u arkaan mid aan waxbo kaga duwaneyn doorashooyinkii horey dalka uga dhacay.

Galmudug ayuu tilmaamay Nabadoonka in haatan ay u baahan tahay shaqsi ka bixiya marxaladda ay ku sugan tahay, islamarkaana dadka ugu shaqeeya si cadaalad ah.

“Annaga waan soo dhoweynaynaa doorashada Galmudug, waxaan ku baaqeynaa iney ku dhacdo si cadaalad ah, waxaan kamid ahaa waxgaradkii wax ka dhisay Galmudug, sida ay hadda wax ku socdaanna waan ku qanacsannahay” ayuu yiri Nabadoonka.

Maanta oo Arbaco ah waxaa degmada Cadaado lagu wadaa iney ka dhacdo doorashada madaxweynaha Galmudug, waxaana u tartamaya Saddex Musharrax.

Goobjoog News