U bood dhigaalka

Nabadoon Lagu Dilay Degmada Afgooye Ee Shabellaha Hoose

Sheeko:Dalka

Rag hubeysan ayaa habeenkii xalay ahaa waxa ay degmada Afgooye ee gobalka Shabellaha Hoose ku dileen mid ka mid ah Nabadoonada ugu caansan ee degmadaasi.

Nabadoonka la dilay ayaa lagu magacaabayay Cali Abuukar oo ku caan ahaa Cali Gaab, waxaana la sheegay in ay dileen rag Bistoolado ku hubeysnaa.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in Nabadoonka Lagu dilay halka lagu magacaabo Buundo Yarey oo degmada Afgooye ka tirsan ka dib salaadii Maqrib.

Ragii wax dilay ayaa ka baxsaday goobta ay dilka ka geysteen, waxaana halkaasi gaaray ciidamada dowladda Federaalka, gaar ahaan kuwa Booliiska oo sameeyay howlgal aan cidna lagu soo qaban.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilka Nabadoonka, hase ahaatee tani ayaa kusoo beegmaysa xilli maalmihii ugu dambeeyay degmada Afgooye ay kusoo badanayeen dilalka iyo weerarada.

Goobjoog News