U bood dhigaalka

Nabadoon Lagu Dilay Gedo

Sheeko:Amniga

Rag ku hubeysan Bistoolado ayaa habeenkii xalay ahaa waxay Tuulada Daabley ee hoostagta degmada Garbahaarey ku dileen Nabadoon ka mid ahaa ergadii soo xushay xildhibaannada golaha shacabka.

Nabadoonkan la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Xasan Codey, waxaana goobta isaga baxsaday raggii dilkaasi ka dambeeyey.

Mas’uuliyiin ka mid ah maamulka degmada Garbahaarey oo aan la xiriirnay ayaa sheegay iney wadaan baaritaanka dilkaan iyo sidoo kale iney ku raad joogaan raggii falkaasi ka dambeeyey.

Marxuum Codey ayaa ka mid ahaa waxgaradkii xildhibaannada golaha shacabka ee Jubbaland laga soo doorto soo xulay, iyadoo si aad ah looga yaqaanay guud ahaan gobolka Gedo.

Rag hubeysan ayaa sidan oo kale u dilay waxgarad ka mid ahaa xubnihii soo xulay xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Goobjoog News