U bood dhigaalka

Nabadoon Lagu Dilay Magaalada Baladweyne

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya iminka magaalada Baladweyne ayaa sheegaya in magaaladaasi lagu dilay nabadoon laga yaqaanay gobolka Hiiraan.

Nabadoonka la dilay ayaa lagu magacaabi jirey Nabadoon Bocor Axmed waxaana diley dableey hubeysan.

Dilka nabadoonka islamarkaana ahaa ganacsade ayaa ka dhacay xaafadda Howlwadaag ee magaalada Baladweyne.

Dadka degaanka ayaa Goobjoog News u sheegay in dilka nabadoonka uu salka ku hayo aano qabiil oo magaalada waayadii dambe ku dhexmareysay labo beel.

Dhanka kale, Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa ku baaqay in si degdeg ah looga hortago dilalkani islamarkaana magaalada nabadgalyadeeda laga shaqeeyo.

Wuxuu sheegay in colaadda beelaha aan looga baahnayn magaalada oo amniga si guud looga wada shaqeeyo.

Horey magaalada Baladweyne waxaa uga dhacay dilal ku saleysan aano qabiil magaalada ku dhexmaray labo beel oo colaado soo jiitamayay ay ka dhaxeeyaan.

Goobjoog News