U bood dhigaalka

Nabad-doon Lagu Dilay Muqdisho

Sheeko:Amniga

Waxaa habeenimadii xalay gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho lagu dilay nabad-doon caan ka ahaa oo siweyn looga yaqaanay gudaha magaalada iyo gobolka Banaadir, nabadoonka la dilay ayaa lagu macaabi jiray Shaahir Kheyrdoon waxaana lagu dilay degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir gaar ahaan xaafadda Juungal.

Wararka ayaa intaas ku darayo in marxuumka kooxa ku hubeysnaa Bastoolada ay toogeen xili uu ka soo baxay majid ku yaalla xaafadda Juungal uu deganaa ka dib salaadii Cishaha, Kooxii dilka geystay ayaa goobta iskaga baxsaday ka dib markii ay dilka u geysteen Nabad-doon.

Ciidamada ammaanka degmada Yaaqshiid oo goobta soo gaaray ayaa ka sameeyey baaritaan ay ku baadi goobayaan qolyihii dilka geystay lakiin majiro cid ilaa iyo hadda loo soo qabtay dilka nabad-doonka loo geystay.

Waxaa badanaa gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ka dhaca dilal ay la kulmaan dadka nabad-doonna ah kuwaas oo siyaaba kala duwan loogu dilo degmooyinka gobolka Banaadir.

Goobjoog News