U bood dhigaalka

Nabadoon Lagu Diley Degmada Wanlaweyn Ee Shabellaha Hoose

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in halkaasi xalay lagu diley mid ka mid ah nabadoonnada aadka looga yaqaan degmadaasi.

Sida ay sheegeen dadka deegaanka, rag la sheegay iney ku labisnaayeen dareeska ciidanka DFS, gaar ahaan kuwa sida gaarka u tababaran ayaa nabadoonka ugu dhacay gurigiisa, halkaasina waa ay ku dileen, kadibna waxa ay qaateen Meydkiisa.

Nabadoonkan la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Axmed Xuseen, lamana oga illaa iyo hadda cidda dilkaasi sida rasmiga ah uga dambeysay iyo sababta Meydkiisa loo qaatay.

Waxaa socda abaabul ay wadaan waxgaradka Wanlaweyn oo ay ku doonayaan iney ku aaddaan dhanka garoonka Ballidoogle ee ay ku sugan yihiin ciidanka looga shakiyey iney Nabdoonka dileen si xaqiiqda loo soo ogaado.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News