U bood dhigaalka

Nabadoon Maxamed Ismaaciil “Waa Muhiim In Xarumo Dib u Dejin Ah Loo Sameeyo Soomaalida Ka Imaanaysa Yemen’

Sheeko:Dalka

Nabadoon Maxamed Ismaaciil oo ka mid ah waxgaradka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa sheegay in muhiimad gaar ah ay leedahay in la sameeyo goobo dib u dejin loogu sameeyo shacabka Soomaaliyeed ee kasoo cararaya dagaallada ka socda wadanka Yemen.

Waxa uu sheegay Nabadoonka in maamulka Puntland iyo Somaliland ay qabteen shaqo wanaagsan oo ah in dadka lasoo dhaweeyo, loona sameeyo deegaanno iyaga ay ku nastaan, ka dibna lasoo siiyo qarashaad ay kusoo baxaan.

Waxa uu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya iyo guddiga badbaadinta qaxootiga Soomaaliyeed iyagana laga doonayo in magaalada Muqdisho laga sameeyo goobo waaweyn oo dadka imaanaya la dejiyo.

“Guddiga badbaadinta iyo dowladda waxaa dhankooda muhiim ah inay sameeyaan meelo dadkaanm la dejiyo, maxaa yeelay dadka qaar ma haystaan meel ay degaan, qaarkoodna dadba kama yaqaanaan magaalada Muqdisho” ayuu yiri Nabadoonka.

Muwaadiniin badan oo Soomaaliyeed ayaa waxaa u suurta gashay in ay naftooda kala soo baxsadaan dagaallada ka socda wadanka Yemen, iyadoo ay jiraan markab iy Doon si bilaash ah dadka uga soo daabulaya dalka Yemen.

Goobjoog News