U bood dhigaalka

Nabadoon Samatar “Maamulka Loo Magacaabay Sool Waxbo Masoo Kordhinayo”

Sheeko:Dalka

Nabadoon C/raxmaan Samatar oo ka mid ah waxgaradka ku dhaqan magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal ayaa sheegay in xilligaan aanay waxbo soo kordhineyn maamulka cusub ee madaxweyne Gaas u magacaabay gobolka Sool.

Nabadoonka oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in gobolkaasi oo intiisa badan gacanta ugu jira Somaliland aanay suurtagal ahayn in maamul halkaasi loo magacaabay sidii loogu talogalay u shaqeeyo.

Madaxweyne Gaas ayuu sheegay in looga baahnaa inuu ka fekero sidii xal looga gaari lahaa colaadda Tukaraq, bedalkii maamul aan shaqeyn karin la magacaabi lahaa.

“Maamulka loo magacaabay Sool waxbo masoo kordhinayo, waayo waa gobol ay colaad ka taagan tahay una baahan in xal buuxda laga gaaro” ayuu yiri Nabadoon Samatar.

Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa lagu magacaabay guddoomiyaha cusub ee gobolka Sool, Isniintii shalay.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada