U bood dhigaalka

Nabaddoon Xaad “50 Nin Ma Burburin Karto Galmudug”

Sheeko:Dalka

Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo ah guddoomiyaha Odoyaasha dhaqanka ee beelaha hawiye ayaa sheegay in aysan burburin karin nidaamka Galmudug tiro xildhibaanno ah oo uu sheegay in dano gaar ah ay leeyihiin.

Waxa uu tilmaamay in wax laga xumaado ay tahay in xildhibaanno ka tirsan Galmudug oo kulan ku yeeshay Cadaado ay sheegaan in ay kalsoonida kala laabteen madaxweyne Guuleed.

Xaad ayaa ku sheegay xildhibaannadaan kuwo gadaal ay ka riixayaan dad cadow ah, isaga oo tilmaamay in waxbo kama jiraan ay tahay go’aankii shalay ay gareen:

“Waa wax laga xumaado arrintaasna fudayd ayaa ku hoos jira waxaanad mooddaa iney wax burburin tahay, maamulkaas markii la dhisaayay Lix Bilood iyo kabadan ayaa loo fadhiyay in  wax la dhisaayi way adag tahay in wax la burburiyaa oo wax la dunshaana way sahlan tahay, waa arrin aan ila qumaneyn dad Galmudug cadaw ku ah ayaa arrintaa gadaal ka fadhiya, waan ka xunnahay waana arrin aan la aqbali karin”.

Nabaddoonku waxa uu sheegay in dhismaha Galmudug ay dhibaato badan ka mareen in si sahlan lagu burburiyana ma aqbaleynno:

“Dhismahaasi dhib badan ayuu nageliyay, wakhti badan ayaan gelinnay, dhaqaale badan ayaa ku baxay, wakhti badan ayaa la geliyay ,in badan oo ummadda adduunka waa nagu soo dhaweysay, bani’aadamkana wax kasta oo la dhiso iney wax ka dhiman yihiin wax la biciidsan karo maaha, laakiin inta kooxi isku tagto baarlamaan isku sheegtay iney yiraahdaan madaxweynihii waan ridnay , guddoomiyaha baarlamaanka waa ridaynaa oo ay wax burburiyaan waa xilkasnimo la’aan waa mas’uuliyad xumo, wax la aqbali karana maaha”.

“50 nin iyo 40 nin oo meel isugu tagey ma gaari karaan ma go’aamin karaan masiirka Galmudug, waxaana in la aas aaso Galmudug ku baxay waqti iyo qarash intaba, sidaasi darteed waxaan u argnaa raggaan sheegay iney rideen madaxweynaha kuwo cadow gadaal kasoo riixayo, waxa ay shalay sheegeenne waa waxbo kama jiraan” ayuu yiri Nabadoon Xaad.

Sidoo kale Nabadoon Maxamed Xasan Xaad ayaa sheegay in il gaar ah ay ku hayn doonaan baarlamaanka Galmudug, islamarkana ay ka waxgarad ahaan ilaalin doonaan wax walbo oo dhib u keenaya maamullka Galmudug.

Xildhibaanno iyaga oo fasax ku jiray shalay kulan ku yeeshay magaalada Cadaado ayaa sheegay in kalsoonidii ay kala laabteen madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.

Goobjoog News

 

Mawduucyada:Gobollada