U bood dhigaalka

Nabadoon Xaad Oo Ugu Baaqay Baarlamaanka Meel Marinta Xukuumadda Kheyre

Sheeko:Dalka

Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo kamid ah waxgradka Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya in ay meel mariyaan golaha wasiirada ee dhowaan uu soo magacaabay Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Waxa uu sheegay Nabadoon Xaad oo la hadlay Goobjoog News, in ka waxgarad ahaan ay aad usoo dhoweynayaan xukuumadda cusub, islamarkaana ka waxgarad ahaan ay ka codsanayaan in codka kalsoonida ay xildhibaannadu siiyaan golaha wasiirada.

Xukuumadda cusub ayuu sheegay Nabadoon Xaad in looga fadhiyo dalkaan iney ka hirgeliso isbedal muuqda oo la taaban karo, shacabka Soomaaliyeedna ay wada eegayaan xukuumaddan.

“Xukuumadda waan soo dhoweyneynaa, waxaan ka sugeynaa isbedal iyo horumar dalkana gaarsiisa dowlad wanaag, waxaan isleeyahay waxay kamid tahay xukuumadaha ugu fiican ee lasoo magacaabay, iney yihiin xubnaha lasoo magacaabay dad aan faraha laga daba fiiqeyn, waxaan ka codsaneynaa baarlamaanka Soomaaliyeed in dhanka wanaagsan ay ka eegaan xukuumaddaan, marka aniga oo ku hadlaya afka Odoyaasha Soomaaliyeed in xukuumaddaasi la ansixiyo” ayuu yiri Nabadoon Xaad.

Xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka oo dhaliilay qaab dhismeedka xukuumadda Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa ku goodiyey in codka kalsoonida ah aaney siin doonin xukuumadda.

Ra’iisul wasaaraha dalka Xasan Cali Kheyre ayaa 21-kii bishan waxa uu ku dhowaaqay golahiisa wasiirada oo ka kooban 1 Ra’iisul wasaare ku xigeen, 26 wasiir, 26 wasiir ku xigeen iyo sidoo kale 15 wasiiru dowle.

Goobjoog News