U bood dhigaalka

Nabadoon Xarago “Gurmad aynu ka uruurinay shacabka gobalka Bari ayeeynu Gedo u wadnaa” (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Nabadoon Cabduqaadir Xarago oo ka mid ah Gudi ku hawlan sidii loogu gurman lahaa Qoysaska abaaruhu ay saameyeen ee ku nool Gobolka Gedo, ayaa sheegay in todobaadkan Gurmadkii ugu horeyay ay gaarsiin doonaaan Gobolkaasi.

Nabadoonku waxa uu tilmaamay in Magaalooyinka Maamulka Puntland ay ka bilowdeyn aruurinta deeqaha loogu tala galay in la gaarsiiyo Degmooyinka Gobolka Gedo ee abaartu ka jirtay.

Carabka waxa uu ku dhuftay Nabadoon Xarago in dhamaan dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka iyo dibadiisa ay ka sugayaan ka qayb qaadashada gurmadkan ay wadaan.

Deegaano badan oo ka mid ah gobalka Gedo waxaa ka jira abaaro, inkastoo hadda qaar ka mid ah deegaanadaasi uu roob ka da’ay

Halkaan hoose ka dhageyso wareysi aynu la yeelanay Nabadoonka.