U bood dhigaalka

Nabadoon Xarago Oo Loo Xirey Xogtii Uu Ka Bixiyey Maxaabiis Lagu Jirdiley Boosaaso

Sheeko:Dalka

Ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland ayaa xabsiga dhigey nabadoon C/qaaadir Ibraahim Xarago oo ah afhayeenka Odoyaasha dhaqanka ee gobolka Bari.

Nabadoonka ayaa xariggiisa sababsaday kadib markii Jimcihii aynu kasoo gudubnay uu booqasho ku tagay Xabsiga Boosaaso oo ay ku xiran yihiin 7 dhallinyaro ah oo dil ku xukuman, waxaana nabadoonka uu sheegay in dhallinyaradan la jir diley.

Saraakiisha ammaanka iyo maamulka magaalada Boosaaso kama aaney hadal xarigga ay kula dhaqaaqeen nabadoon Xarago oo aad looga qadariyo gobolka Bari.

Sabtidii shalay, nabadoonka ayaa mar uu la hadlay Goobjoog News, waxa uu sheegay in dhallinyaradan lagu xukumay dilka lagu qasbay iney qirtaan dambi aaney gelin kadib markii jir dil xooggan loo geystay.

“Jimcadii waxaan tagnay jeelka Boosaaso, waxaan kusoo aragnay dhallinyaradii 7-da ahayd ee dilka lagu xukumay ayaan u kuurgalnay, waxaan kusoo aragnay arrin aad looga naxo, waxaa lagu sameeyey dhallinyarada jir dil meello badan ka saameeyey oo waliba halis ah, waxay sheeganayaan in dhibaato badan loo geystay, aad ayaan arrimahaasi uga xumaanay, waxaan idiinla soo xiriirnay waxay tahay in arrintan dib loo baaro oo la helo dhaqaatiir, dhallinyaradan waxaa loo qabtay kiisas dil ah oo ka dhacay gobolka, waxay tahay wax aan is qabaneyn sida loo xukumay iyo markii xukunka la sameynayey oo waraaqo loo keenay, suulka laga saaray oo wax la xiriira xitaa aysan ogeyn walibana qaadigii xukunka qaadayey aanu iyaga wax weydiin, sidoo kale dadkii baarayey ayaa ku qasbay iney sheegaan wax aysan ahayn, wiilashan waxay kasoo kala jeedaan gobollada kale ee Soomaaliya, maadaama gobolka Bari shaqooyin ka heysteen ayaan ugu kuurgalnay, waa in arrintan dib loo galaa oo cid walba oo cadaalad raadineysa dib u eegtaa, waxaana jirkooda ka muuqda calaamado” ayuu yiri Nabadoonka.

Maamulka Puntland oo aad uga carooday hadalkan uu sheegay nabadoonka ayaa durba xabsiga dhigey nabadoon Xarago.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News