U bood dhigaalka

Naciima Qorane oo Xorriyadeeda Dib u Heshay

Sheeko:Dalka

Abwaanad Naciima Abwaan Qorane oo 15 April ee sannadkan ay maxkamadda  Hargeysa ku xukuntay 3 sanno oo xabsi ah ayaa maanta laga sii daayay xabsiga haweenka ee magaalada Gabiley.

Naciima ayaa xabsiga laga sii daayay kaddib markii uu cafis u fidiyay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, iyadoo horay looga daldabaday madaxweynaha in uu xabsiga kasii daayay gabadhan oo loo haystay hadallo liddi ku ah jiritaanka Somaliland iyo laamaha xukuumadda ee kala duwan.

Naciima Abwaan Qorane oo Goobjoog News la hadashay waxay sheegtay in aanay la hadlayn warbaahinta gudaha wakhtigan hadda la joogo.

Goobjoog News