U bood dhigaalka

Nadaafadda Xeebaha Kismaayo Oo Laga Shiray (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Wasaaradda Warfaainta  maamulka Jubaland iyo bulshada Kismaayo ayaa wada qaatay kulan looga hadlayay sidii la isaga kaashan lahaa nadafadda xeebaha magaaladaasi.

Waxyaabaha sida aadka ah looga hadlay waxaa kamid ah sidii loo joojin lahaa qashinka ay shacabka kusoo shubaan xeebaha, si aanu u dhicin waxyaabo caafimaadka halis ku ah.

Bedel Cabdi Jaamac oo ah agaasimaha wasaaradda warfaafinta Jubaland oo kulankaan daah furey ayaa sheegay in muhiim ay tahay in reer Kismaayo ay mid ka noqdaan nadaafadda magaaladooda.

Wuxuu tilmaamay in muhiim ay tahay in la ilaaliyo nadaafadda, maadaama badda ay tagaan shacab badan, sidoo kalena laga soo jilaabto Kalluun badan.

Kulanka dadka ka qeybgalay waxaa ku jirey ganacsatada Kismaayo iyo sidoo kale dad laga soo kala uruuriyey xaafadaha magaaladaasi.

Shacabka Kismaayo qaarkood ayaa qashinka u qaada dhanka xeebta, waxaana taasi ay keentay dhibaatooyin dhanka caafimaadka ah.

Halkaan hoose ka dhageyso

Goobjoog News