U bood dhigaalka

Nairobi: Maamulka Galmudug Oo La Taageeray

Sheeko:Dalka

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa ka dhacay munaasabad lagu taageerayay maamulka Galmudug, waxaana munaasabadaasi isku soo daba riday Jaaliyadda maamulkaasi ee Nairobi.

Waxaa munaasabadaasi ka qeybgalay Odayaal dhaqameed, waxgarad, Haween iyo Dhalinyaro, waxaana ay bogaadiyeen maamulkaasi, iyaga oo farxad ku sheegay hanaanka ay doorashada u dhacday.

Qaar ka mid ah waxgaradkii halkaasi ka hadlay ayaa ugu horeen u mahad celiyay maamulka Cadaado iyo qaabka loo marti geliyay shirkaasi, waxaana ay sheegeen in maamulkaan uu yahay midka kaliya ee loo maray hanaanka wax dhisidda.

“Waxaan u mahad naqaynaa dowladda Federaalka Soomaaliya oo dhabarka u xiratay dhismaha maamulka Galmudug, sidoo kale waxaan taageersannahay maamulkaan oo aan u aragno inuu yahay kii na matali lahaa, waxaana si gaar ah ugu mahadcelinaynaa Ximan iyo Xeeb oo si sharaf ah gogosha u dhigay” sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah waxgaradkii munaasabadaasi ka hadlay.

Dhinaca kale munaasabadaasi ayaa baaq waxaa loogu diray culimada Ahlu-sunna Waljameeca ee gobalada dhexe, waxaana loogu baaqay in ay wada hadal la galaan Galmudug, qeybna ay ka noqdaan maamulkaasi.

Goobjoog News