U bood dhigaalka

Nalalka Ku Shaqeeya Cadceedda Oo Laga Hirgelinayo Magaalada Hargeysa

Sheeko:Dalka

Markii ugu horreysay ayaa magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland waxaa laga hirgelinayaa nalalka ku shaqeeya cadceedda si sare loogu qaado Iftiinka xilliga habeenka ee magaaladaasi.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee maamulkaasi ayaa dowladda hoose ee Hargeysa ku wareejisay nalalkaan ku shaqeynaya cadceedda, kuwaasi oo wax badan kusoo kordhin doona bilicda magaaladaasi.

Qeybo ka mid ah magaaladaasi ayaa durba laga billaabay in nalalkaan lagu suro, iyadoo dowladda Hoose ee Hargeysa ay sheegtay in isbedal badan uu ku imaan doono magaaladaasi.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee maamulka Somaliland Cali Maxamed Warancadde oo ka hadlay munaasabad kooban oo lagu dhegax dhigayay nalalkaan ayaa sheegay in shacabka Magaalada Hargeysa ay ka faa’ideysan doonaan nalalkaan, islamarkaana laga doonayo inay xafidaan.

Nalalka ku shaqeeya Cadceedda waxaa markii ugu horreysa dalka laga hirgeliyay magaalada Muqdisho, oo uu keenay maamulkii hore ee gobalka Banaadir, uuna hogaaminayay Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, waxaana ugu dambeyn la geeyay nalalkaan inta badan magaalooyinka dalka.

Goobjoog News