U bood dhigaalka

Natiij-Xulka Soomaaliya Oo Guul Daro Kala Kulmay Uganda

Sheeko:Cayaaraha

Al Hajji Hussein Gouled Stadium ee dalka Jabuuti ayaa marti geliyay kulan ciyaareed xiiso badan uu u dhaxeeyay xulka dalkeena Soomaaliya iyo wadanka Uganda waxayna ciyaartan ka tirsaneyd tartanka African Nations Championship 2019 (Chan).

Qeybta 1-aad labada dal ayaa dadkii kasoo qeyb galay kulankan usoo bandhigay ciyaar aad u wanaagsan,inkastoo xidigaha xulkeena ay sameeyeen fursado badan oo goolal ah,balse dhamaadka qeybta kowaad garsooraha reer Itooobiya ayaa xulka Uganda u dhigay gool laad waxaana u dhaliyay weeraryahankooda Patrick Kaddu.

Markii leysku soo laabtay dheesha wiilasha xulka Uganda ayaa helay goolkii 2-aad waxaana Daqiiqadii 64-aad kubbadd laad xor ah am (Free Kick) dhaliyay Kizza Mustafa,Daqiiqadii 83- xulka Uganda ayaa dhaliyay goolkii 3-aad waxaana u dhaliyay Taddeo Lwanga.

Dhamaadkii kulanka laacibka kooxda Horseed Maxamuud Cabdi Nuur (Mayman) ayaa fursad uu ka shaqeeyay waxaa gool qurux badan u badalay isla xidiga naadiga Horseed Farxaan Maxamed Axmed wuxuuna kulanka kusoo idlaaday 3-1 oo ay guusha ku qaateen xidigaha xulka Uganda.

“Ma garanayo waxa aan u sheego taageerayaasha dalkayga,balse kaliya waxaan lee nahay naga raali noqdo wixii Allah inoo qoray ayaan helnay waxaa ku da’daalaynaa kulan xiga aan Uganda kula dheelayno gurigooda” waxaa sidaas Goobjoog Sports ugu waramay katanka xulka qaranka Soomaaliya Cabdicasiis Catoosh.

                  Safka Xulka Qaranka Lagu Soo Bilaaway
Gool Haye-Mustaf Maxamed Yuusuf (Heegan)
Daafacyada-CabdiWali CabdiRaxmaan (Dekedda),Ayman Maxamed Xuseen (Midnimo)
Siid Cali Baana (Dekedda),Noor Cali Xasan (Horseed)
Qadka Dhexe-Ibraahim Cabdi Maxamed (Horseed),Feysal Axmed Xasan (Muqdisho City Club),Cumar Xaaji Baanow (Heegan)
Weerarka-Feysal Xasan Xaashi (Dekedda),CabdiMajiid Cusmaan (Dekedda),Mahad Cabdqaadir (Jeenyo)

Si kastaba xulalka Soomaaliya iyo Uganda ayaa 02-08-2019 ku dheelaya magaalada Kampala ee dalka Uganda waxaana xidiagaha xulka looga fadhiyaan in ay iska dhaqaan ceebtan.