Natiijada Doorashada Aqalka Sare Ee Koofur Galbeed
Sheeko:Dalka
Maamulka Koofur Galbeed ayaa noqday maamulkii sedexaad ee qabta doorashada aqalka sare, doorashada waxaa ay u dhaxeysaa ilaa 16 murashax.
Tartanka doorashada aqalka sare aad u adkaa, dadka ilaa iyo hadda ku guuleystay waa sidan:
Timiro Maxamed Cali ayaa ka guuleysatay Nuurto Nuur Jille
Ilyaas Cali Xasan ayaa ka guuleystay Ibrahim Cali Axmed(Ayatulahi)
Cabdikafi Macalin Xasan ayaa sidoo kale ka guuleystay Cali Cabdulahi Isaq
Xuseen Sheekh Axmed waxaa u tanaasulay Xuseen Cabdiraxmaan Ibrahim
Cabdulahi Cali Garuun waxaa u tanaasulay Axmed Madey Isaq
Zamzam Ibrahim Cali waxaa u tanaasushay Aniso Aden Didow
Aden Cabdi Aden waxaa u tanaasushay Muumino Saciid Mursal
Cabdulahi Maxamed Cabdi waxaa uu u tanaasulay Xuseen Cali Xaaji